Al Shabaab oo La Wareegen Degaan U Dhow Xaduudka Somali Galbeed

Al Shabaab oo La Wareegen Degaan U Dhow Xaduudka Somali Galbeed

Wararka naga soo gadhaaya bartaamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ay Xaradaka Al Shabaab la wareegen degaanka Ceel Caade ee gobolka Hiiraan.

Laweeriga Xarakada Al Shabaab ee degaanka Ceel Cadde ayaa timid kadib markii Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qadeen ciidamada Dowldada kusugaan degaanka, waxaana degmada Ceel Cadde ka dhacay dagaal kooban oo muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay arkayeen rag ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka uu gudaha u soo galaya Ceel-Cadde oo qiyaas ahaan 55 kilometer u jira Magaalada Baladweyne , iyo dhinaaca kale 30 kilometer u jira xaduud beenadka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Somali Galbeed, isla markaana haatan halkaas ay ku sugan yihiin.

Shalay ayay aheyd markii Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Farlibaax oo 45 kilometeru jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidankii dowladda ee ku sugnaa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan la wareegida Al-shabaab ee deegaanka Ceel-Cadde ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media

About The Author