Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye  ayaa lagu sheegay in Magaalada Gaalkacyo aysan jiri Karin cid aan wadan sharci ama Dariiska Dowladda oo Hub ku qaadan karta guud ahaan Gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa ku amray Hay’adaha Samafalka,Shirkadaha iyo Hoteelada inay u hoggaansamaan Amarka kasoo baxay Maamulka, sidoo kalena ay diiwaangeliyaan Hubka ay heystaan.

Ugu dambeyn waxaa la amray in wixii ka dambeeya 6:30 Habeenimo aysan gawaarida soo geli Karin kana bixi Karin  Magaalada Gaalkacyo, iyada oo amaradan la ogeysiiyay laamaha Amniga & Maamulka degmada Gaalkacyo.

Amarkaan kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa ka dambeeyay, kadib markii Magalada Gaalkacyo ay kusoo bateen falalka Amni darro, isla markaana dhawaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay sarakiil ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Halgan Media