Mudo Todobaad ah ayaa arday ay dowlada Soomaaliya u dirtay Deeq waxbarasho dalka itoobiya waxaa ay dhibaato ku haysataa dalkaasi.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa sheegaya in aysan helin hoy iyo goob ay wax ka bartaan, iyagoona sheegay in xiligan ay degan yihiin  hotel ku yaalla magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Cabdi Risaaq Cumar Cali  oo ka mid ah ardayda ku dhibaateysan gudaha itoobiya ayaa  idacaada Halgan Media u sheegay in ku dhawaad 20 ardayd ah wada degan yihiin hal hotel ay na sheegeen in iyagu ay lacagta iska bixiyaan, arintaasi ay walaac ka muujinayaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqeen  in si deg deg ah ay arintan wax ugu qabto.

Ardayda Soomaaliyeed ayaa badanaa waxaa ay ku dhibaateysan yihiin dhamaan dalalka caalamka, iyagoona sheega  in aysan  helin fursadaha ay dowladaha calaamka siiyaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.