Dowlada Burkina Faso ayaa maanta oo Salaasa ah sheegtay in askar badan oo ka tirsan ciidanka dowlada lagu dilay weerar argagaxiso oo ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

Weerarkan oo ka dhacay gobalka Soum maalinimadii shalay ayaan la ogeyn kooxda ka danbeysa, waxaana weerarkan lagu burburiyey qeyb kamid ah saldhigii ay ciidamadaasi degenaayeen, waxaana weli la la’a yahay qaar kamid ah askartii halkaasi ku sugnaa oo la rumeysan yahay in la dilay, tirada dhimashada ayaa la filayaa inay ka badan tahay 20 askari.

Dalkaasi Burkina Faso ayaa kamid ah wadamada sameystay isbaheysiga ciidamada ee Galbeedka Afrika ee kala ah; Chad, Mali, Mauritania iyo Niger oo taageerada militari ka hela dowlada France, ciidamadaasi oo la dagaalama kooxaha xagjirka ah ee gobalkaasi ku sugan.

Kooxda inta badan weerarada ka geysata dalkaasi Burkina Faso ayaa lagu magacaabaa Ansarul Islam oo awood ku leh dalkaasi iyo xaduudaha uu dalkaasi laleeyahay wadamada Togo, Mali iyo Benin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.