Qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamo Mareykan ah oo ku sugan dalka Afqaanistan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay kolonyo ciidamo Mareykan ah oo marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Bagram ee dalka Afqaanistan siidi ay sheegan wakalada Reuters

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Laba askari oo katirsan ciidamada Mareykanka oo dulaan ku joogo dalka Afqaanistan sidoo kale qof la shaqeenayay, waxaana qaraxan ku dhaawacmay sadex askari oo kale.

Maleeyshiyaadka Taliban ee ka dagaalanta dalka Afgaanistan ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay laguna dhaawacay ciidamada Mareykanka ee u jooga dalka Afgaanitan dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.