Wararka naga soo gaaraya degaanka Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Askari katirsan ciidamada Dowlada uu Askari kale ku dilay saldhig ciidan oo ku yallo gudaha Degmada Luuq.

Ilo amni ayaa xaqijiyay in salaadii Maqrib kadib uu Askari si bareer ah uu ku dhex toogtay Saldhiga ciidamada Dowlada ay ku leyihiin Degmada Luuq, waxana la sheegay in Askariga dilka ka geystay gacanta lagu dhigay.

Weli mala ogo sababta keentay inuu Askari uu dilo Askari kale, balse dhacdooyinka nucaan ah ayaa kuso badanayo degaanka Luuq.

Dhawaan ayey aheed markii ay Askar Itoobiyan ah isku dileen saldhig militari ay dowlada Itoobiya ku leyihiin isla Degmada Luuq.

Halgan Media