Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen Xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Halgan Media in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, wuxuuna duqeynta ka dhacay tuulada Cows-Quruun.

Inta la xaqiijiyey waxaa duqeymahaasi ku dhintay saddex ruux oo kala ahaa Hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.