Idaacada FANA oo Ku Hadasho afka Dowlada Federalka Itoobiya ayaa sheegtay in ayax dhibaato aan weligeed la arkin ku hayo qaybo ka mid ah Ismaamulka Tigreega.

Ayaxa ayaa kasoo gudbay gobolka Amxaarada, kadibna ku degay degaanada Koonfurta katirsan Ismaamulka Tigreega sida ay sheegtay idaacadda FANA.

Ayaxa ayaa bilooyinkii u dambeysay dhibaato aan caadi aheen ku hayey dalalka katirsan geeska Africa, wuxuuna arintaan sababay inuu babaabiyo beero badan oo ay lahaayeen dadka beeralayda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.