Wararka nagasoo gadhaay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inuu Banaanbaxyo ballaraan ka dhacay gobolka Canfaarta gar ahaan magalaada Awash, islamarkaana looga soo horjeeday caadalad darrada ka jirta Ismaamulka Canfaarta.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo cabasho xoogan ka muujinayay dhibaatooyinkaasi.
Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa la sheegay in Isbaarooyin horleh oo la soo dhigay jidka u dhexeysa magalaada Addis Ababa iyo dalka Jabuuti oo dhex maro gobolka Canfaarta.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.