Wararka haatan naga soo gaadhaya gobolka axmaarada gar ahaan magalaada Bahar Dar ayaa waxay sheegayaan  mudaaharaado waawayn oo gil gilay magalaada oo shacabka isugu soo baxeen oo lagu hor jeedo dagaalada kasocdo xadka gobolka Axmaraada iyo Benshangul-ka

Dibadbaxayaasha ayaa cabasho ka ahaa dagaalada kasocday xadka gobolka Axmaraada iyo Benshangul kadib markii la ogadaay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay dagaalka, ay u badan yihiin dagaalyahan kasoo jeedo Qomiyada Axmaraada.

Guud ahaan shacabka axmaarada ayaa waxay habab kala duwan u wadaan mudaaharaadyo magalaada Bahar Dar, waxaana xidhan goobihii ganacsiga sidoo kale waxaa yaraaday isu socodkii magaalada, waxaana lagu arkayaa ciidamo tiro badan oo kudasan magaalada.

Hoos ka Daawo Sawiirada