Dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta ka dhacay gudaha tuulada Karinbilcile oo katirsan magalaada Qabridahare ee gobolka Qorahay.

Shacabka tuulada karinbilcile ayaa dalbanaya cadaalad islamarkaan sheegey in qaabka saami qaybsiga maamulka Qabridahare uu cadaalad daro yahay.

Banaanbaxa oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oou badan Dhalinyaro iyo Haween ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah maamulka Qabridahre.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Halgan Media ayaa dalbaday in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.