Wararka naga soo gadhaay degmada Dhobaweyn ee gobolka Qorahay ayaa sheegaya in ay banaanbaxyo xoogan ka dhaceen degmadaasi oo lagaga soo hor jeedaa Mamuulka u qabilsan degaanka Dhobaweyn.

Dibaadbaxyaasha ayaa ka carootay tacadiyada ay Liyuu Booliska ku hayaan shacabka, kadib markii la xidhay Sheekhii ugu weyn degaanka Dhobaweyn.

Sidoo kale Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Liyuu Booliska iyo Mamuulka degmada Dhobaweyn siidi ee sheegen dadka degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.