Waxaa maanta isu soo baxyo ka dhaceen qaar ka mid ah gobolada deegaanka Oromia ee dalka itooboya sida gobolka Shewa ee caasimada Adama ee deegaanka Oromia sida gobolka Gindhir ee galbeedka Oromia iyo galbeedka Hararge.

Isu soo baxan oo aan qalalaaso iyo wadooyin xidhasho wadan ayaa boqolaalan shacab ah oo tageersan jawhar maxamed isugi soo baxeen wadooyinka wawayn ee magalooyinkas aan soo sheegnay halkas oo socdaal 30 daqiiqo ah ay ku samaynayeen dadku wadooyinka halbowlaha ah ee magalooyinkas.

Arinta xusida mudan ayaa waxay tahay ciidamada Liyuu Booliska iyo arba badanaga deegaanka Oromia oo baabuurta ku xidhay calanka oromia liberation front( OLF), qaybna ka ahaa banaan baxayasha ayaa dadka laa socday.

Ciidankan waa kuwa ka amar qaata xukumada deegaanka Oromia mushahaarka naa aysiiso waxayna ku darmadeen shacabkii banaan baxayasha ahaa ayago askartu ka mid noqotay isu soo baxayaashii.

Sababta ka danbaysay ayaa ah diidmo ay ku muujinayaan qaab u socodka siyaasadeed ee Raysal Wasaare Abiy Ahmed. Dadkan oo ah tageerayaasha Jawar Maxamed ew dhalinyarada Qeerroo ayaay ku muujinayeen tageerada ay u hayaan Jawar Maxamed oo aygu u yaqaanan hogaamiyaha ruuxiga ah ee loo soo diray shacabka Oromia.

Waxa laga yaba inay isu soo baxan hordhac u tahay banaan baxyo wawayn oo dhici doona madama xalka siyaasadeed ee dalka Itoobiya bishii ugu danbaysay laga soo dayrinayo.

Lama garanayo inay isu soo laaban doonaan maalinta bari ah lakiin daqiiqado ka dib waxay guryahoodii ugu laabteen si nabad ah banaan baxayaashii wax dhibaaro ah oo ka soo gaadhay lamaha amaan ka majiro sida ciidanka federalka iyo kan deegaanka Oromia.

Shafi Dulane – Halgan Media Jigjiga