War goor dhaw ay heshay Wakaalada Wararka ee Halgan Media ayaa sheegaya in ay shacabka Xabashida maanta ka Qayb galeen banaan bixii abid ugu waynaa ee ay dhigaan, Sida warku sheegayo kacdoon wadashaasha qoomiyada Axmaraada ayaa dhiigay banaan bax aad uwayn oo kadhacy guud ahaan Ismaamulka Axmaarada.
Ila lagu kalsoon yahay oo udhuun duleela kacdoon wadayaasha Xabashida ayaa sheegaya in kumunaan banaan baxayaal ayaa isugu soo baxay degaanada katirsan ee gobolka Axmaraada, sidoo kale Gobolada kale ee dhulka Axmaarada ayaa laga soo sheegayaa in uu kasocdo abaabul balaadhan oo lagu hor jeedo dagaalka ka dhacay xadka u dhaxayso Ismaamulka Axmaraada iyo Benshangul.
Ilaha warkan aan kasoo xiganay ayaa sheegaya in ay dhalinta kacdoonka wada hubaysan yihiin sida Tooriyo, Baangado iyo Faasas oo inta badan ugu jira guryaha, Sidoo kale kacdoon wadayaasha ayaa wacad kumaray in ay joojin doonaan dhamaan isusocodka gobolka Axmaraada iyagoo sheegay in ay weerari doonaan xarumada maamul kusheega kajira Ismaamulka Axmaraada.
Hoos Ka Daawo Sawiirada