Wararka nagasoo gadhaay gobolka Fafaan ayaa lagu soo warramayaa in caawa Bandow ay ciidamada itoobiya ku soo rogeen degmada Tuliguuleed.
Bandowga oo ah mid balaaran ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay guud ahaan shacabka ku dhaqan Degmadaasi.
Waxaana Albaabada la’isugu dhuftay goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi.
Sidoo kale ciidamada itoobiya waxaay xidheen iyo kaxaysteen Guddomiye kuxigeenka degmada Tuliguuleed Asad Maxamed iyo xubno kale katirsan Mamuulka.
Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona Ciidamado Itoobiyan badan lagu arkayo gudaha magaaladaa
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.