Wararka naga soo gaaraya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya inuu heshiis dhex maray labo beelo oo walaalo ah oo muddo dheer colaad u dhaxeysay, taas oo sababtay in dhowr mar deegaanka Ismooday dagaal ka dhaco.

Hogaanka nabad gelyada oo dhawaan la magacaabay Xuseen Kasim iyo wafti la socday ayaa la sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay in la xaliyo colaada mudada dheer ka taagneed deegaanka Ismooday.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in oday dhaqameedyo kasoo jeedo labada dhinac ka qayb qaateen heshiiska.

Hase yeeshee qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka jiro colaado iyo isqab qabsi u dhaxeeyo beelo walaalo ah, taas oo marar badan sababtay inuu dagaal ka qarxo meelaha ay isku heystaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.