Magalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa Maanta gaaray Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF,dhawaan lagas oo daayey Xabi ku yaalla Adis Ababa. Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo dhoweeyn ballaaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

Dad weyne farabadan oo xiran Calanka Ogadenia iyo mas’uuliyiin ka tirsan mamuulka Hargeysa ayaa qeyb weyn ka qaatay soo dhaweynta Cabdikariin Sheekh muuse Qalbidhagax.

Soo dhaweyn kadib Warbahinta ayuu kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxa uuna ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey,isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu tago Magalada Hargeysa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media