Wararka nagasoo gadhaay galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Canfaarta iyo ciidamada gaarka ah ay leyihiin Ismaamulka Canfaarta ay weerar ku qadeen tuulada Malkada-Bodhka oo katirsan degmada Cadayti.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Canfaarta kuso tuulada kadina gudaha u galeen, islamarkii rasaas ku fureen ciid walba, waxaana weerarka ku dhawaacmay hal qof oo shacab ah.

Waxaana magaciis naloo sheegay Roble Cilmi Aden oo kamid dadka degaanka. Weerarka ka dhib waxaa la sheegay inay canfaarta ka baxeen Tuulada, iyaga oo usocday dhanka xaduudka Canfaarta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.