Wararka naga soo gaaraya gobolka Jarar ayaa sheegaya inuu dab xoogan xalay ka dhacay guri ku yaallo degmada Dhagaxmadow, waxaana la sheegay inuu gurigu gubtay iyo sedax caruur ah oo walaalo ah ay ku dhinteen dabkii.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka caruurta ku geeriyootay dabka waa ciyaal saqiiro ah oo walaalo ah, welina lama ogaan waxa sababay dabkaan.

Degmada Dhagaxmadow iyo guud ahaan gobolka Jarar waxaa ku yar dadka ka shaqeeyo dab damiska, waxayna arintaan caqabad ku noqotay dadka degaanka markii ay sidaan oo kale dab meel ka dhaco.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.