Waraka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaana xaruunta dhexe ee ONLF ayaa waxay sheegayaan dagaal adag oo ku dhex maray ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia iyo kuwa saama laluudka ah ee gumeysiga itoobiya, meesha lagu magacaabo Wartimire oo katirsan gobolka Jarar.

 

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay meesha lagu magacaabo Wartimire oo katirsan degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar. Dagaalkan ayaa waxaa lagaga dilay ciidamada gumeysiga itoobiya 10 askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro aad u badan oo aanaan haynin intay dhabtahay.

 

Ciidimada geesiyada ah ee ONLF ayaa waxaay labaan laabeen dagaalkii iyo weeraradii ay ku hayeen cadowga itoobiya gud ahaanba dhulka Ogadenia laga dareemayaan dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog badan.

 

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.