Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Sudan ayaa maanta lagu soo warramayaa in ay howlgallo ka wadaan xadka u dhaxeysa labada dal siidi ay sheegan warbahiinta ku hadasha Afka dowlada Itoobiya ee FANA.

Ciidamada oo wata gawaarida dagaalka ayaa la sheegay in ay isku geedaameen qeybo ka mida ah degaanada kuyallo xaduudka u dhaxeeyo labada dal, iyagoona hakad galiyay isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka ee isaga kala gooshayay deegaanada ku dhow xadka Itoobiya iyo Sudan.

Sidoo kale howlgalladan ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii xadka, gaar ahaan labada shacab ee isaga kala gooshi jiray halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.