Wararka naga soo gadhaay galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya sakaay inay ciidamada Militariga Itoobiya dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabeen degaankaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay ciidamada Itoobiyan gudaha uso galeen degaanka Cadayti kadibna bilaabeen raaf xoogan.

Sanaadka u dambeysay Ciidamada Itoobiya iyo maleeyshiyaadka kasoo jeedo Ismaamulka Canfaarta ayaa tacadiyo iyo dilal u geysteen shacabka Somalida ku dhaqaan galbeedka gobolka Sitti

Mamuulka Somalida ama Dowlada federalka Itoobiya weli kama hadlin dhaq dhaqaaqyada cusub ay ciidamada itoobiya ka wadaan degaanka Cadayti.