Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka Ismaamulka Axmaraada iyo dalka Sudan.

Ciidamadani oo ah kuwa badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan Waqooyiga Itoobiya gar ahaan Ismaamulka Axmaraada iyo dalka Sudan. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay inuu rabasho ama Qalaalaso ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.