Wararka laga helayo Koonfurta Soomaaliya gar ahaan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan degaano katirsan gobalkaasi gar ahaan degmooyinka Baardheere iyo Garbaharaay ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa Halgan Media u sheegay Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ee Gaashaaman ayaa lagu soo warramayaa in ay isku ballaariyeen Baardheere iyo Garbaharaay.

Lama oga u jeedada rasmiga ee ka dambeeya arrintan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay qayb ka yihiin howlgallo ka dhan ah Al Shabaab lagu bilaabi dooono gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale warar kale ayaa ku warramaya in Itoobiyaanku ay doonayaan in ay adkeeyaan ammaanka labadaas magaalo oo lafilayo in lagu qabto shir lagusoo dhisamayo maamulka Jubbaland garabka Farmaajo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.