Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya dhaq dhaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaanka Awdhiigle ee gobolka Baay.

Ilo wareedyo ayaa shabakada Halgan Media u xaqiijiyay in boqollaal katirsan Ciidamada Itoobiya lagu dhex arkay gudaha degmada Awdhiigle oo 34 KM u jirto magaalada Baydhabo ee xarunta Mamulka Koonfur Galbeed.

Waxaana la sheegay inay ciidamada Xabashida wateen gaadiid dagaal oo aad u farabadan, waxaana la sheegayaa in ay dhaq dhaaqyada ay wadaan ciidamada Itoobiya, ay cabsi weyn gelisay dadka deegaanka taas oo keentay inay sida badan Guryahooda ku xaroodaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco kala soco Halgan Media.