Wararka naga soo garaay dalka Soomaaliya gar ahaan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen deeganada Farlibaax iyo Ceel Cadde, kadibna isaga baxeen deegaanadaasi.

Dadka degaanka ayaa Halgan Media u sheegay inay ciidamada Itoobiya howlgallo ballaaran ay ka wadaan galbeedka gobolka Hiiraan, kadibna ayey ku laabteem Xuduudka Somali Galbeed.

Degmooyinka Farlibaax Ceel Cadde oo katirsan gobolka Hiiraan ayaa aad ugu dhaw Xaduudka Somali Galbeed. Dowlada Itoobiya ayaana aad ula socota dhaq-dhaqaaqa Amni ee deegaanadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.