Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada xadka Ismaamulka Oromada iyo Ismaamulka Canfaarta.

Dhaq-dhaqaaqdan oo ah kuwa ka dhan ah Maleeyshiyaad Hubaysan oo kusugaan xadka labada gobol ayaa waxaa laga dareemayaa degmada Gumbi Borderde siidi ay sheegan wargeyska Addis Standard

U jeedka howlgalladan Milatari ayaa lagu sheegay mid Maleeyshiyaadka looga saarayo deegaanada ay kusugaan yihiin. Dhawaan ayey aheyd markii maleeyshiyaad hubaysan ay 7 Qof ku dileen degmada Gumbi Borderde oo ku yallo xadka gobolka Oromada iyo Canfaarta.

Ma jiro weli wax hadal aha oo ka soo baxay madaxda Ismaamulka Canfaarta ama Ismaamulka Oromada oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan deegaanadoda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.