Wararka nagasoo gadhaay gudaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino la eegatay Ciidamo ka tirsan gumaysiga Itoobiya oo marayay duleedka Degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Yurkut ee Gobalka Gedo, waxaa ayna shabaab sheegeen in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Sarkaal u hadlay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay ku dileen ku dhawaaad afartameeyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Goobjoog kusugaan gobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qarax ay ka maqleen deegaanka  Yurkut ee Gobalka Gedo,islamarkaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada itoobiya ee Marayay deegaanka yurkut ee Gobalka Gedo oo sii sharci darro iyo xog ku joogo dalka Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.