Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa ku geeriyootay , kadib qaraxyo waa weyn oo maanta lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dulaan Ku joogo koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ayaa Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen waddada isku xidha degmada Bardeele iyo magalaada Baydhabo ee gobolka Bay.

Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidanku baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.