Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan saaka aroortii hore lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah, xilli ay ku socdaalayeen degmada Halgan ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah, kaasi oo gabi ahaanba goobta ku basbeelay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac qaraxa uu ka soo gaaray Ciidamadii saarnaa gaarigaasi.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay Ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen waddada hareeraheeda, balse aan la ogeyn illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi,sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.