Wararka nagaa soo gaaraya dhulka Somalida ee Kenya Gumaysato  oo loo yaqaan NFD ayaa sheegaya in Ciidmada Kenya ay qof shacab ah ka afdubeen degaanka Dabaab, kadibna ay dileen.

Sida aan Xogta ku helnay Ciidamada Kenya ayaa niin Soomaaliyeed afduubeen xili ay ciidamada Kenya howlgallo ka wadeen degaanka Dadaab.

Wariye katirsan Halagn Media kusugaan gobolka NFD ayaa la kulmaay qoyska oo marxuumka kasoo jeedo, waxaayna sheegen in sedax asbuc ka hor ay ciidamada Kenya ka afdubeen degaanka Dadaab, kadibna markii tariikhdu aheed 4/2/2020 meydkiisa laga helay meel u dhow degaanka Dadaab, waxaana meydkiisa ka muuqada jir dil aad u xoogan.

Ehiilka ayaa Halagn Media ka codsaday in aan isticmaalin marxuumka magaciisa, madaamay ka baqayaan in ciidamada Kenya ka aargoostaan hadi la ogaado waxaay la hadlen warbahiinta.

Gobolka NFD waxaa marwalba ka dhaco tacadiyo iyo xasuuq ay ciidamada Kenya kula kacaan shacabka Soomaliyeed ku hoos nool Gumaysiga ee Reer NFD.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.