Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka magaalada Mandera ee gobolka NFD.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi.

Sanooyinka dambe ayaa waxaa dhulka Somalida ay Kenya gumaysato loo yaqaano NFD ka dhacayay weeraro xoogan oo Al Shabaab ay ka fulinayeen halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.