Ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u diiday in uu galo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne xili ay socotay so dhaweynta Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Maxamed Cabdulaahi Salaad Omaar sida ay Halgan Media u sheegeen dad Goobjoog ahaa.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee loogu diiday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan in uu ka qeyb galo so dhaweeynta wafdiga Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa Magaalada Baladweyne u yimid baaris diyaaradii shalay ku dhacday, kadibna ku gubtay Garoonka Beledweyne.

Ciidamada Shisheeyaha oo dalka dulaan ku joogo oo magacyaal kala duwan wato ayaa marwalba bahdilo siyaasinta Somalida, mana jirto cid ka hadli kaarto.

Halgan Media.