Ciidanka maanta lagu wareejiyay sugidda amniga Dhuusamareeb ayaa ka kooban ciidankii hore ee nabad-sugidda iyo booliiska iyo ciidamadii Ahlusunna ee dhawaan la qarameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka amniga gudaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha gudaha, difaaca iyo howlaha guud iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa ciidamada kormeeray, si uu ugu dhiirri geliyo gudashada mas’uuliyadda wayn ee ay qaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada kula dardaarmay in hannaanka ugu habboon ay uga shaqeeyaan sugidda amniga caasimada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ku boorriyay inay la yimaadaan dulqaad,isla markaana ay tusaalso noqdaan shacabka, waxaana uu taliska ciidamada faray inay ciidanka u dhammaystiraan agabka ay u baahanyihiin si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka culus ee ka saaran adkeynta amniga iyo nabad-gelyada magaalada Dhuusamareeb.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.