Tan iyo intii uu xilka la wareegay bishii April, Raysal Wasaare Abiy Ahmed waxaa dalkaasi ka dhacay isbadalo ballaaran. Tan iyo xilligaai waxaa dalka dib ugu soo laabtay xubno ka tirsan mucaaradka oo horey dibadjoog u ahaa.

Waxaa sidoo kale liiska argagixisada laga saaray dhowr jabhadood oo horey ay dowladda Itoobiya ugu aqoonsanayd argagixiso. Balse tan iyo intii u xilka qabtay Dr Abiye ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay isku dhacyo iyo rabshado.

Isku dhacyadani ayaa ahaa inta badan kuwa ku salaysan qoomiyado iska soo horjeeda. Goobaha ay isku dhacyadaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah xadka u dhaxeeyso Ogadenia iyo ismamuulka Oromia iyo sido kale xaduuda u dhaxeeyso Shucuubta Konfuured iyo ismamuulka Oromia.

Balse isku dhacyada ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa kuwa ay dad badan walaac ka muujiyeen. Xukuumada gumeysiga itoobiya tilaabo rasmi weli kama qadiin isku dhacyada oo maalin walba gudaha itoobiya kasocdo

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.