Xalladda magaalada Addis Ababa ayaa maanta daggan ka dib rabshado shalay halkaasi ka dhacay. Magaalada ayaa waxaa laga jaray taleefoonada ka dib rabshadahaasi shalay ka dhacay .

Booliiska magalaada Addis Ababa ayaa waxay sheegeen in ay xireen boqoolal qof oo la tuhunsan yahay in ay rabshadahaasi qayb ka ahaayeen. Rabshadahani oo sida la sheegay salka ku hayay isku dhacyo qabiil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 35 qof.

Waxa ay rabshadaha billaabmeen 15 September ka dib markii hogaamiyayaal ka tirsan jabhadii hore ee mucaaradka Oramada ee OLF,ay dalka dib ugu soo laabteen. Muddo sanooyiin ah ayaa waxay jabhadda OLF ay dagaal ugu jireen sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen aayahada dadka Oramada ah oo ah qoomiyada ugu tirada badan dalka Itoobiya.

Sida ay qortay hay’adda warbaahinta ee Fana Taliyaha booliiska dalka Itoobiya Zeyinu Jemal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen banbaanooyiin ay siteen “Kooxo abaabulan”.

Mr Jemal ayaa intaa ku daray in dowladda ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyiinka lagama maarmaanka ah si loo xaqijiyo ammaanka iyo badqabka dadka. Warbaahinta Fana ayaa ka soo xigatay taliyaha booliiska Itoobiya in sidoo kale ay dibadbaxyo ka dhaceen Arba Minch.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.