Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan tuulada Malowle katirsan degmada Tuliguleed ayaa sheegaya in ciidanka gumeysiga itoobiya ayaa rasaas ku fureen shacab oo waxba galabsaniin.

Waxaa dhintay laba oday oo mid magaciisu yahay Mawlid Cabdisamad, waxaana dhaawac halis gadhay oday kale.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa waxay ku hayaan shacabka Ogadenia dhibaato xasuuq iyo mooraduug ayna u aabayeelaynin waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu ka dul qaado dhibaatada iyo gumaysiga Shacabka Ogadenia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.