Sarkaal ka tirsan Jabhada Taalibaan ayaa Arbacadii waxaa uu sheegay in Mareeykanku uu damaanad qaaday in uu kala bar ciidankiisa kala baxayo Afganistaan dhamadka Bisha April ee sanadkaan, balse warkaan wali mareeykanku ma uusan xaqiijin.
Cabdi Salaan Xanafi ka hadlay Shir lagu qabtay Magaaladda Moscow ayaa sheegay in Saraakiisha amreeykanku ay balanqaadeen in qaban qaabadda ka bixitaanka Afgaanistaan ay Bishaan bilaabayaan.
“Mareeykanku waxaa uu inoo sheegay in Bilowga feebaraayo ilaa dhamaadka April kala bar Ciidankiisu baxayaan” ayuu Xanafi suxufiyiinta ugu sheegay Magaladda Moscow.
Afayeen u hadlay Pentagon ka Mareeykanka korneyl Rob Manning ayaa sheegay in aysan wali helin amar ah in ay Afganistaan ka baxaan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.