Cudurka Coronavirus ayaa aad ugu soo badanaya gudaha dalkaasi Itoobiya, waxaana la sheegay in 24 saac ee u dambeysay cudurkaas laga helay 5 ruux siida ay sheegtay wasaarada caafimadka ee Dowlada Federalka Itoobiya.
Waxaana la sheegay in guud ahaan dalka Itoobiya 21 ruux ku dhacay cudurka Coronavirus, wuxuuna cudurkan noqday kii u halista badnaa oo dunida ku faafay oo sababay inay kumanaan u dhintaan.
Dhinaca kale waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Adama oo katirsan Ismaamulka Oromada kadib markii sedax ruux oo ka kooban hal qoys laga helay cudurka Coronavirus, taas oo keentay in gabi ahaanba isku socodka magaalaada la joojiyo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.