Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa waxay sheegayaan in cudurka Jaadecaada ka dilaacay degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar. Cudurka ayaa ku faafay caruur badan oo degan degmada Dhagaxmadow siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalson yahaay.

Dhinaca kale waxaa cabsi wayn laga qabaa in cuduradan ay ku faafaan deegaamada kale ee dariska la’ah degmada Dhagaxmadow. Waxaa jira abaaro iyo macaluul isbiirsaday oo halis wayn ku haya guud ahaan Somali Galbeed (Ogadeniya). Degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar ayaa kamid ah deegaamada ay abaaruhu aadka u saameeyeen.

Sida aan lawada socono gayiga Ogadenia kama jiro wax xarumo caafimaad ah oo laysku halayn karo mana jiraan goobo loogu tala galay cudurada noocan ah ee ubaahan in dag dag wax looga qabto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.