Koox Hubaysan ayaa Sarkaal tirsan ciidamada Itoobiya ku dilay nawaaxiga degmada Kelem ee gobolka Wollega sida ay sheegen idaacadda BBC Qaybta Oromada.

Ma jirto koox dhabarka illaa iyo haatan saaratay masuuliyadda dilkaan, oo qayb ka ah falalka liddiga ku ah amniga ismamuulka Oromada.

Hay’adda amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen gaarey si ay u hubiyan arintan iyo cida ku lugta leh xili qof kamid ah dadka degaanka uu soo wariyay inay sameeyeen howlgalo baaris ah.

Dilalka qorshaysan iyo weerarada loo adeegsado ayaa inta badan kusoo noq-noqda degaanada katirsan ismamuulka Oromada gar ahaan gobolka Wollega xili laamaha nabad-gelyada ay ku howlan yihiin sugitaanka amaanka.

Dhanka kale ma  jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo la xariira weeraradaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.