Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan magalaada Dhagaxbuur ee xaruunta gobolka Jarar ayaa sheegaysa dad shacaba oo lagu xidh xidhay magalaada Dhagaxbuur.

Ciidanka gumeysiga itoobiya ayaa dad shacaba guryahooda kala soobaxaay, xafaada Garba Taxab ee galbeedka magalaada Dhagaxbuur. Haadi Sheekh Maxamed, Nadiif Cabdallahi iyo Saynab aan magaceed sedaxad helin ayaa kamida dadka magalaada Dhagaxbuur ay ciidanka gumeysiga itoobiya ku xidh xidheen.

Shacabka masaakiinta ah ayaa loogaystay jidh dil iyo tacadiyo aad ubadan intii aan xabsiga lagayn. Waxaa ilahay ugu baryayna inuu dadkan uu gacanta cadowga kaso daayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.