Wararka naga soo garaay gudaha Itoobiya gar ahaan  galbeedka gobolka Hararghe oo katirsan Ismaamulka Oromada ayaa sheegaya in dad badan loo xiray dilaal ka dhacay degmada Gumbi Borderde ee gobalkaasi.

Ugu yaraan 7 Qof ayaa la xiray kadib waxa loo taxaabay xabsiga. Dadka la xiray waxaa kamid ah masuuliyin katirsan mamuulka degmada Gumbi Borderde iyo sarakiil sare katirsan ciidamada amaanka siidi ay sheegan wargeyska Addis Standard. Maalinta khamista ayey aheed markii la dilay ku dhawaad 8 Qof oo shacab ah kadib markii dagaal xoogan dhex maray maleeyshiyaad hubeysan oo kusugaan degmada Gumbi Borderde.

Dhinaca kale meelbadan oo kamid ah Itoobiya Waxaa kasocdo isku dhacyo udhaxeeya qowmiyadaha kala duwan ee ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya gar ahaan ismamuulka Oromada iyo Shucuubta Koonfured.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.