Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta ka qarxay qabalaha Warta Hanaanka oo katirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qorahay.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal qof iyo mid kale oo Ku dhawaacmay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Shilaabo oo ku aadan dagaalkaaasi. Sidoo kale xalada ayaa weli kacsan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.