Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta dib uga qarxay deegaanka Mir Khalifo oo qiyaastii 20 Km u jira magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Doolo oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi.

Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.