Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta ka qarxay degaano hoostaga gobolka Doolo gar ahaan degmada Qamuda.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal qof. Marxuumka Ku dhintaay dagaalka waxa Niinka dagaalka ku dhintaay, waxaa magaciisa naloogu sheegay Xassan Aden Ummi.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Doolo oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi. Sidoo kale xalada ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.