Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Shabelle ayaa sheegaya inuu dagaal beleed ka qarxay duleedka magalaada Goday ee degmada Booli Xagare.

Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhintaay dagaalka. Dagaalkan oo la sheegayo inuu aano-qabiil salka ku hayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba beelood oo wada daga degmada.

Dadka kusugaan degmada Booli Xagare ayaa idacaada Halgan Media usheegay inuu dagaalka sakaay ka dhacay tuulada, waxaana lagu soo warramayaa in labada beelo ay adeegsanayeen hubka culus ee tiknikada dagaalka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.