Ciidamada Dowlada Farmaajo oo ku fashilmay xasilinta iyo nabadda magalaada Muqdisho iyo dad shacab ayaa dagaal ku dhex marey degmada Shingaani ee magalaada Muqdisho siidi ee sheegen dadka degaanka.

Wararku waxay sheegayaan sarkaal dowladda katirsan ayaa shacab boos ku qabsaday, kadibna dadka degaanka ayaa rasaas ku furay ciidamada Dowlada oo goobtay kusuugna. Waxaana dagaalka ku dhintay laba Askar katirsan ciidamada Dowlada.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa Halgan Media u sheegay in dadka la dagaalamay ciidamada Dowlada ay yihiin ehelka Maxamuud Nuur Tarsan safiirka Soomaaliya u qabilsan Kenya.

Dowlada Farmaajo ayaa doonaysaa in ay si qasab ah uga qaadato dhul ay Qoysas dhaan yar waligood ku lahaayeen agagaarka Fiisha Taraafiko ee degmada Shingaani.

Ciidamada dowlada ayaa marwalba dagaallo kala kulma dadka shacabka markii ee isku dheyaan inay Qoysas oo aan waxba galabsaniin guryahooda ama dhulkooda ka barakiciyaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.