Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan ay shalay maleeyshiyaadka Canfaarta ku qaadeen Qabalaha katirsan degmada Danlaheylay ee gobolka Sitti.

Weerarka ayaa la isugu adeegsaday Hubka Fud Fudud iyo kuwa culus qaarkood, iyadoo daryan xoogan laga maqlayay qeybaha kamid degmada Danlaheylay ee gobolkaasi.

Ilo Wareedyo ayaa Halgan Media u Xaqijiyay in 4 Qof oo Somali ah Ku dhawaacmay weerarka. Sidoo kale Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

Dagaalka kadib Qar kamid dadka degaanka ayaa La hadlay Halgan Media, ayaga oo sheegay Dagaalkaan lagu laynayo Shacabka Soomaliyeed ee degan xadka u dhaxaayso Somalida iyo Canfaarta waa mid lagu Talagalaay in shacabka Somalida dhulkooda loo qaadan lahaa looguna wareejin lahaa Qowmiyadaha kale oo ah dad aad utiro Badan ahna Faqri taas oo shacabka Soomaliyeed aysan ku baraarug sanayn.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.