Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan u dhaxeeyo maleeyshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay degmada Gumbi Borderde oo katirsan galbeedka gobolka Hararghe ee ismamuulka Oromada.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 7 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale siidi ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Oromada oo ku aadan dagaalka. Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay garaay ciidamada dowlada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.